Liam Miller (36-jir) oo kasoo jeeday dalka Irland islamarkaana u ciyaari jiray kooxo ay ka mid yihiin Manchester United iyo Sunderland ayaa u geeriyooday xannuunka dilaaga ah ee loo yaqaan Kansarka oo uu mudo kala tacaalayay dhanka caloosha.

KOoxda Manchester oo uu amaah ahaan kusoo galay ciyaaryahankan ayaa mudo gaaban la joogay kooxdaasi, waxaan uu u wareegay kooxda Sunderland oo uu u ciyaarayay sannadihii 2006–2009.

Sannadkii 2011 ayuu u wareegay horyaalka dalka Australsk, waxaana uu kusoo afjaray ciyaarihiisa dalka Mareykanka sannadkii 2016 oo la sheegay in uu markaasi lasoo darsay xannuunka uu u geeriyooday ee Kansarka.

Inta badan kooxihii uu u ciyaari jiray ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ciyaaryahanka da`da yar.

 

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV