Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku wada saxeexday mudo 30 sano kadib magaalada Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ku kacaya lacag lagu qiyaasay $300 oo milyan oo dollar  ayaa waxaa wax looga qaban doonaa arimaha caafimaadka, waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Hishiiskaan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo wasiirka qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, waxaana goob joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka qorsheynta ayaa dhowaan hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha waddooyinka ka baxa magaaladda Muqdisho la galay dowladda Qatar, kaasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo milyan oo dollar.

Comments are closed.