Home Wararka Maanta Maxay ka Dhigantahay amarkaan Culus ee Sacuudigu kusoo Rogay Muslimiinta Cumraysanaysa?

Maxay ka Dhigantahay amarkaan Culus ee Sacuudigu kusoo Rogay Muslimiinta Cumraysanaysa?

0

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in la xaddiday in wax ka badan hal mar la guto Cumrada sannadkiiba.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada looga hortagayo ciriiriga inta lagu jiro bishan barakeysan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa intaa ku dartay in shaqsiyaadka hadda loo ogolaan doono oo kaliya in ay hal mar gutaan cumrada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si ay gacan uga geystaan maareynta dadka isugu soo baxay Masjidka Xaramka ee Maka.

Hindisaha Wasaaraddu waxa uu higsanayaa in la yareeyo saxmadda, in la hubiyo in dadka oo dhan ay si siman u gutaan Cumrada, iyo in si hufan loo maareeyo xilliyada ay dadaka ugu badan isusoo baxaan.

Si loo dhaqan geliyo siyaasaddan, mareegta Nusuk, oo ah barta elegtarooniga ah ee dawladda Sucuudiga ee nidaamka Cumrada, ayaa usoo bandhigi doonta farriin diidmo ah isticmaalayaasha isku dayaya in ay codsadaan oggolaanshaha cumrada labaad.

Farriinta ayaa caddaynaysa in gudashada cumarada oo sidoo kale loo yaqaan xajka yar aan la oggolayn wax ka badan halmar inta lagu jiro Ramadaanka si ay dadka kale ugu suurta gasho in ay ka qayb qaataan oo ay iyaguna gutaan acmaashan barakaysan.

Mudooyinkii u dambeeyay dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigay agabyo kala duwan oo loogu talagalay dadka Muslimiinta ah ee Ajaanibka ah ee doonaya in ay Cumrada ku soo gutaan dalkaasi.

Shakhsiyaadka sita noocyada kala duwan ee fiisaha gelitaanka, oo ay ku jiraan socdaallada shakhsi ahaan, booqasho, iyo fiisaha dalxiiska, waxaa loo oggol yahay in ay soo gutaan Cumrada oo ay booqdaan Al Rawda Al Sharifa, oo ah meesha uu ku yaal qabriga Nebi Muxamed ee Masjidka Nabiga ee Madiina, ka dib marka ay qabsadaan ballan elektaroonik ah.

Intaa waxaa dheer, muddada fiisaha Cumrada ayaa laga dhigay 30 maalmood ilaa 90 maalmood si xujeydu muddo dheer ugusii signaan karaan dalka.

Siddeed milyan oo qof oo cumro doon ah ayaa ilaa hadda ka qayb qaatay cibaadada barakaysan ee Ramadaan, sida lagu sheegay tiro koobkii ugu dambeeyay ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada.

Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadaan ay gashay nuskii labaad, Madiina waxa ay si qasad ah usoo booqdaan dadka cumarada ama xajka u imanaya magaalada barakaysan Makka.

Warbixin lagu daabacay mareegta SaudiMagazine oo soo xiganaysa dawladda Sucuudiga ayaa leh: “Maamulka Sucuudigu waxa ay u heellan yihiin bixinta adeegyo dhammaystiran si loo xaqiijiyo in xujaydo acmaashooda u gutaan si dhamaystiran.

Safarka xujay badan ayaa ka bilowda Madiinah Masjidka Miiqaat Dul-Xulayfah, halkaas oo ay ku soo tukadaan labo rakcadood ka hor inta aysan u ambabixin Makkah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 8,235,680 oo cumraystayaal ah ay soo galeen dalka tan iyo bilowgii jiilaalkan.

7,259,504 ka mid ah ayaa dhammaystay cumradoodii, waxaana hadda dalka ku sugan ku dhawaad 976,176 qof oo soo booqday ama cumro u yimid.

Warbixinta Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa iftiimisay qaabka ay xujeydu ugu safri karaan.

Socdaalka dhulka ayaa noqday kii ugu badnaa, waxaana ku yimid 980,556, waxaa ku xiga cirka 700,983, iyo badda oo 54,141 Cumra doon ah oo doortay waddadan.

Waxaa xusid mudan in garoonka caalamiga ah ee Amiir Moxammed Bin Cabdulcaziz laga diiwaan galiyey 1,919,971 oo soo dagay iyo 1,437,849 oo ka dhoofay, taas oo ka dhigan celcelis ahaan dhaq-dhaqaaq maalinle ah oo gaaraya 6,579 soo degey iyo 5,613 oo ka dhoofay oo cumreysteyaal ah.

Previous articleFaahfaahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Sababta Cali Ciid Gaalkacyo loogu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here