Labo nin oo saaxiibo ah islamarkaana isu soo ekeysiiyay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya (Donald Trump iyo Kim Jong-un) ayaa khal-khal geliyay ciyaaraha olombikada qaboobaha ee ka socda magaalada Pyeongchang dalkaasi Koonfurta Kuuriya.

Labadan nin oo ay qabteen hay`adaha ammaanka ayaa laga saaray goobta ciyaaraha, waxaana lagu wadaa in lagu dacweeyo booliska si wax looga weydiiyo falka ay ku keceen islamarkaana ay khal-khal ugu abuureen goobta ay ciyaaruhu ka socdaan.

Dhankooda ayay sheegeen nimankani in falkan ay ku keceen ay ula jeedeen oo keliya maadsi ama shactaro islamarkaana ay nabgelyo u hor-seedaan adduunka.

Mid ka mid ah nimankan oo wakaaladda wararka ee Reuters la hadlay islamarkaana diiday in uu shaaciyo magaciisa rasmiga ah  ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in ay dambi ku muteystaan dhacdadan.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV