Labo caruur ah oo ah kuwa ku dayacan magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay qarax miino ay ku ciyaarayeen, waxaana sidoo kale qaraxaasi uu galaaftay labo qof kale oo wadada marayay.

Qaraxaan oo caawa fiidkii ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho kadib markii ay caruurtaasi derbi jifia ah bir ku garaaceen walxaha qaraxa.

Caruurta ku dhimatay qaraxa ayaa la sheegay in aysan kala garaneyn walxaha qarxa ay ku ciyaarayeen, waxaana qaraxa kadib soo gaaray gaadiidka gurmadka degdega oo meydadka dadkii dhintay ka qaaday goobta.

Magaalada Muqdisho ayaa caruur dayacan oo darbiyada jiifa ku nool, kuwaasi oo aan haysan hoy, kana dhacay nolosha, mana jirto cid mas’uuliyad iska saartay daryeelka, dowladdii laga sugayayna daryeelida caruurtaasi uma muuqata.  

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV