Dalka Danmark waxaa ka taagan tacsi, waxaa geeriyooday amiir Henrik oo ah seyga boqoradda dalkaasi Margrethe II

Amiirka ayaa geeriyooday saacado uun kadin markii laga soo celiyay cusbitaalka “Rigshospitalet” oo xannuun kusoo booday loogula cararay isbuucyo ka hor, waxaana ay dhakhaatiirtu ka deyriyeen xaaladdiisa caafimaad maalmihii u dambeeyay.

Labo wiil oo waaweyn iyo carruur ay dhaleen ayuu ifka kaga tagay.

Dowladda Danmark ayaa ka tacsiyeysay geerida amiirka, waxaana r/wasaaraha dalkaasi Lars Løkke Rasmussen oo ka hadlay arrintan uu sheegay in Danmark uu ka baxay shakhsi indho u ahaa islamarkaana ay waligood tabi doonaan.

 

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV