Shirka nabadeed ee magaalada Nairobi ugu socda jabhadda xorreynta Ogaadeeniya iyo Itoobiya ayaa waxaa ku biiray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ayuu ku shaaciyey inuu ku biiray  wadahadalka magaalada Nairobi uga socda dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF, isagoona sheegay inuu ku guda jiro dadaalo heshiis dhex mara ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Wada hadaladaan oo ay soo qabanqaabisay isla markaana martigelinaysa dowladda Kenya ayaa laga rajo daba in heshiis ku dhex maro labada dhinac oo colaad gaamurtay ka dhaxaysa.

Ergada ka qeybgalaysa wada hadaladaan ayaa ah kuwo kasoo jeeda beel kaliya oo ka wada tirsan dowladdaha Somalia, Kenya iyo Itoobiya.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV