Home Wararka Caalamka Dowlada Israil oo ku kala Tagtay Jawaabta Laga Bixinaayo Weerarkii Iiraan uga...

Dowlada Israil oo ku kala Tagtay Jawaabta Laga Bixinaayo Weerarkii Iiraan uga Yimid

0

Golaha Wasiirrada Isra’il ayaa si weyn ugu kala qaybsamay sida ugu habbboon ee looga jawaabi karo weerarkii gantaallada ee labo casho ka hor Iran ku beegsatay Isra’il, kaas oo jawaab u ahaa duqeyn loo geystey qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Golaha Wasiirrada xukuumadda xilliga dagaalka ee Isra’il ayaa muddo 24 saac godahood ah markii labaad kulmay ayaa isla qaadan waayey go’aan mid ah oo la xiriira goorta iyo qaabka loo fulinayo weerar aargoosi ah oo lagu qaado Iran.

Warbaahinta gudaha Isra’il ayaa laga soo xigtey in dowladda Benjamin Netanyahu ay dooneyso in ay Iran wareento, iyadoon la geysan khasaari sababi karta dagaal toos ah, taas oo loo fasirtay weerar kooban oo lagu beegsanayo goobo cayiman oo Iran ku yaal.

Laakiin waxaa lagu kala qaybsamay sida loola tacaalayo jawaab celinta ka dhalan karta oo aysan Isra’il keligeed u babac dhigi karin, madaama Mareykanku oo si weyn ugu soo horjeedo weerar qar-iska-xoornimo ah oo xilligan Iran lagu qaado.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si cad ugu sheegay Isra’il in uusan qayb ka noqon doonin colka uu Netanyahu dumayo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Isra’il Yair Lapid ayaa Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyey in uu lumiyey muunaddii makaraanimo ee Isra’il looga meermeeri jirey. Netanyahu ayaa goor dambe sir ugu yeeray madaxda mucaaardka, balse dadka la wacay laguma soo darin Lapid.

Previous articleWarrar kii ugu dambeeyay ee xiisadda iyo colaadda ka aloosan Bariga Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here