Home Wararka Maanta Gabar ay Dhashay ilhaan Cumar oo Maraykanka Lagu Xiray

Gabar ay Dhashay ilhaan Cumar oo Maraykanka Lagu Xiray

0

Arday badan oo wax ka dhigata Jaamacadda Columbia ee kutaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la xir xiray, kaddib markii ardaydaasi ay dhigeen bannaan bax lagu taageerayay Falastiin loogana soo horjeeday dhibka lagu hayo.

Masuul katirsan maamulka Jaamacadda Columbia ayaa sheegay in xir xiritaanka ardayda ay timid, kaddib markii ay ardaydan dhagaha ka fureesteen digniino horey loo siiyay oo looga dalbanayay in ay xasilloonida ilaaliyaan ayna abuuraan jawi nabdoon.

Ardayda la xir xiray oo ka badan boqol ayaa waxaa kamid ah gabar ay dhashay xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan golaha Koongareeska Mareykanka, gabadhan oo lagu magacaabo Isra Xirsi oo 21-sanno jir ah ayaana qeyb ka aheyd bannaan baxa ardayda dhigeen.

Ilhan Cumar oo ka hadashay xariga gabadheeda ayaa sheegtay in kaliya lagu heestay sababta ay u muujisay dareenkeeda, waxa ayna xustay in maamulka goobtii ay wax ka baraneysay ka joojiyeen gabadheeda waxbarashada.

Jaamacadaha dalka Mareykanka kuyaalla ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay bannaan-baxyada ay dhigayaan ardayda, kuwaa oo kasoo horjeeda dagaalka ka socda Gaza kuna dalbanayaan in xabbad-joojin la gaaro.

Previous articleSababta Uu u Baaqday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo La Ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here