Waxaa saaka magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Shamis Abookar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952.

Shamis Abookar ayaa sannadihii u danbeeyay xannuunsanayd, waxaana geerideeda BBC-da u xaqiijiyay Adam Nugaal oo ka tirsan qoyskeeda.

Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye oo fanka ku soo jiray in ka badan lixdan sano iyo abwaan yuusuf Shaacir ayaa labaduba BBC u sheegay in GUDUUDO CARWO ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacad ka heesta.

Xilligii ay Guduudo Carwo bilowday in ay heesto, dumarka kuma aysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abookar aysan billaabin heesaha.

Maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.

Marxuumadda ma aysan dhalu wax owlaad ah, waxaana ay wareysi ay horay u bixisay ku sheegtay in umadda soomaaliyeed ay u walaal, waalid iyo owlaad u yihiin.

DHAGEYSO WAREYSI XUSUUSTEEDII XORIYADDA:

3 Comments

  1. Allow kudu naxariiso.. Wadanimad away aheyd, wallaahi.

  2. Shamso Qaali says:

    Allaha u naxariisto, fannaanadeenii qaalliga aheyd Guduudo Carwo.

  3. Faray - Muqdisho says:

    Samir iyo iimaan dhammaan umadda soomaaliyeed.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*