Wararka ka imaanaya dhulka falastiiniyiinta, gar ahaan magaalooyinka Ramallah iyo Bethleham ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ay ka soconayaan iska-hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada Israel iyo dibadbaxayaal Falastiin ah kuwaas oo diidan aqoonsigii Mareykanka uu ugu aqoonsaday magaalada Jerusalen caasimadda Israel.

Iska-hor-imaadkan ayaa lagu sheegay mid culus ayna ku dhaawacmeen tiro dibadbaxayaal falastiin ah, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordha tirada dibadbaxayaasha kusoo biiraya iska-hor-imaadka.

Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in dibadbax ballaaran uu ka socda Gaza oo ah dhul ay taliyaan ururka falastiiniyiinta Xamaas.

Iska-hor-imaadkan ayaa imaanaya wax ka yar maalin markii uu madaxweynaha Mareykanku ku dhawaaqay in dowladda Mareykanku u aqoonsantay magaalada Jerusalem caasimadda dalka Israel.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*