Haider al-Abadi, ra`iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay ka guuleysteen kooxda Daacis, amaba ISIS kuwaas oo kuddo ka badan sannad ay dagaal dhiig badani ku daatay la galeen si ay auga xoreeyaan dalka.

Waxa uu sheegay in ciidankooda ay si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan xadka waddamada Ciraaq iyo Suuriya oo marin ay isaga kala gooshaan u aheyd kooxda ISIS.

” – Waxaan ku dhawaaqayaa in aan ku guuleysanay dagaalkii aan kula jirnay Daacish, waxaana iminka kusoo beegay  waxaan si buuxda gacanta ugu haynaa dalka oo dhan”, ayuu yiri r/wasaaraha Ciraaq mr. Haidar.

Sannad iyo laba bilood ka hor ayuu bilowday dagaalka ISIS looga xoreynayay dalka Ciraaq, waxaana muddo sideed bilood ay lagu dagaallamayay magaalada Mosul oo ah caasimadda labaad ee dalka CIraaq.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*