Dowladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa shalay waxa ay kulan deg-deg ah ka yeesheen aqoonsigii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda dalka Israel.

Jawiga kulankan oo ahaa mid kacsan ayaa waxaa laga soo jeediyay fikiro kala duwan, waxaase ugu kululaa fikirka wasiirka arrimaha dibedda Lubnaan Gebran Bassil kaas oo sheegay in xubnaha Jaamacadda Carabta ay qiimeeyaan cunaqabateyn dhaqaale oo ka dhan ah Mareykanka.

” Waa in tallaabo ku aadan go`aankii Trump la qaadaa. Waa ilaal ku bilownaa talaabooyin diblomaasiyadeed, oon ku xijinaa kuwo siyaasadeed ugu dambeyna kuwo dhaqaale”, ayuu yiri Gebran Bassil.

Waxaa kale oo ku xigay oo isna cuslaa fikirka madaxweynaha uruka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit kaas oo yiri ” Waxaan ugu baaqeynaa dowladaha kale ee caalamka in ay iyana qaadaan tallaabo la mid ah tii Trump oo ay u aqoonsadaan bariga Afrika caasimadda Falastiin”.

Si kastaba go`aankii Mareykanku ugu aqoonsaday Qudus caasimadda Israel maalinimadii Arbacada ayaa dhaliyay caro iyo cabsi, waxaana ka dhashay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay wadamo dhowr ah.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*