Xoghayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaceysa “UN” Antonio Guterres ayaa ayaa cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israa’iiliyiinta, isagoo sheegay in go’aankaasi aanu dan iyo xasilooni ugu jirin nabadda bariga dhexe.

Antonio Guterres oo wareysi siiyay telefishinka CNN ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid ragaadinaysa wadahadalada nabadda ee u dhaxeeya Falastiiniyinta iyo Israa’iil.

Dhanka kale afhayeenka madaxwayna ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, ayaa si kulul u cambaareeyay xukuumadda Falastiiniyiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in madaxwayne Maxmuud Cabbas uu diido in uu la kulmo Mr Pence marka uu booqashada ku marayo gobolka.

Waxaa wali wadooyiinka qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo kuwa Muslimiinta ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo go’aanka madaxwayne Trump.

One Comment

  1. taladeydu waa in xanuunka la taabsiiyo Amiirka saudi arbia iyo wiilkiisa waxa dhibka u keeney falastiin waa iyaga.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*