SAWIRRO: Gabar swedish ah oo dhigatay xaflad dhimasho – mudanayaal iyo marwooyin mar dhow waan dhimanayaa!

Gabar kasoo jeeda magaalada Stenungsund ee dalkaasi Swedan ayaa dhawaan dhigatay xaflad dhimasho kaddib markii lagu wargeliyay in ay dhawaan u dhiman doonto cudurka kansarka oo ku dhacay.

Gabadhab oo lagu magacaabo Rebecca Gerholt islamarkaana jirta da`da 23-sano ayaa casuuntay 100 ruux oo isugu jira asxaab, qaraabo iyo waalid, waxaana ay ugu magacdartay xafladeedaas ay ugu dabaaldageyso dhimashadeeda “A party to die for”.

Dadki ay casuuntay ayay ku tiri ” Dhawaan waan dhimanayaa, laakiin kala ogi in coronavirus i dili doono iyo in kansar i dili doono, Sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay waxa ay dhakhaatiirtu ii sheegeen in aan ku jiro marxaladigii u dambeeyay ee cudurka kansarka oo igu dhacay islamarkaana aan dhawaan dhimanayo. Kansarku waxa uu iga dilay difaacii jerkeyga oo dhan, waxaana aan halis igu jiraa in aan aan xitaa u geeriyoon karo cududrka coronavirus hadduu igu dhoco”.

Waxa ay hadalkeeda intaasi raacisay in dhammaan dadka dhageysaneysa iyo kuwa akhrisan doonaba in ay farxadda nolosha qaataan inta ay caafimaad qabaan, sababtoo ah ma ogid waxa beri kugu imaan kara.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *