Home Wararka Somaliya Muqdisho: Hay’adda Duulista Rayidka Somalia oo Digniin Kama Danbeys Ah Siisay Maamulka...

Muqdisho: Hay’adda Duulista Rayidka Somalia oo Digniin Kama Danbeys Ah Siisay Maamulka Somaliland

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay u dirtay hoggaanka Somaliland oo lagu Eedeyey in ay ka dambeeyaan carqaladeenta diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay ama marayay hawada sare ee degaanada Gobolada Waqooyi.

Markii labaad todobaad gudihiis ah ayaa sida laga soo xigatay mas’uul ka tirsan qaybta duullimaadyada rayidka ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada DF, waxay rumaysan yihiin in Somaliland ay si aan sax ahayn ula xiriirtay dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aaday xili maanta  Diyaarad sumadeedu ay tahay El Al Boeing 787-9, kana soo duushay magalada Phuket ee dalka Thailand kuna wajahned magaalada Tel Aviv ee Israa’iil la sheegay in markii ay maraysay hawada Soomaaliya ay la kulantay khal-khal ka dib markii ay ku wareertay xiriiro lagala sameeyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Shirkadda El Al ayaa sheegtay in shil ku dhacay mid ka mid ah duullimaadyadeeda oo dul maraysay hawada Soomaaliya aysan ahayn arrin amni, isla markaana aan lagu bartilmaameedsaneyn shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrintaan ay tahay waxyaabihii ay horey dowladda Soomaaliya uga digeysay ee dhinac hawada ah.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleDowlada Soomaaliya oo Hanjabaad u dirtay Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here