Home Wararka Maanta Warrar kii ugu dambeeyay ee xiisadda iyo colaadda ka aloosan Bariga Dhexe

Warrar kii ugu dambeeyay ee xiisadda iyo colaadda ka aloosan Bariga Dhexe

0

Dawladda Israa’iil waxa ay sheegtay in ay qaaday duulaan dublamaasiyadeed oo ka dhan ah Iiraan, xili ay wali ka baaraan dagayso jawaabta ay ka bixin lahayd weerar kii Tehran. Halkan ka daalaco xoggaha la xiriirra xiisadda Bariga Dhexe:

Israa’iil wali kama hadlin nooca jawaabta ay ka bixinayso duulaan kii Iiraan ay ku qaaday Israa’iil, laakiin madaxeeda Milatariga waxa uu sheegay in aanay jawaab la’aan noqon doonin.

Wasiirka Arimaha Dibbadda Israa’iil Israa’iil Kaatis waxa uu sheegay in 30 wadan ay u qoreen dhambaallo looga codsanayo in ay cunaqabateeyaan barnaamijka gantaallaha ee Iiraan.

Ra’isul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa la filayaa in maanta galinka dambe uu la hadlo Netanyahu, si uu ugala hadlo in xiisadda aan looga sii darin.

Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa sheegay in dalkiisu sida ugu adag uga jawaabi doono, isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo danaha Iiraan.

Wasiirka Caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegay in ugu yaraan 33,843 oo falastiiniyiin ah lagu dilay Qasa, tan iyo bishii Oktoobar ee sanad kii hore.

Ciidamada Israa’iil ayaa aroornimadii saaka hawlgal milatari ka bilaabay degmada Baytu Xanuun oo ah waqooyiga bari ee Marinka.

Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaadat Xerada Ciidamada ATMIs ee Janaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here