Home Wararka Maanta Sababta Uu u Baaqday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo La Ogaaday

Sababta Uu u Baaqday Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo La Ogaaday

0

Shirkii Wadatashiga Qaran ee NCC oo lagu ballansanaa inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa arrimo farsamo awgeed u baaqday, sida uu xalay shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay mad-madow iyo kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

Arrintaan waxay ka dhigan tahay in markii ugu horeysay ay labo waddo kala qaadeen Villa Somalia iyo afartii dowlad goboleed ee raacsanaa, maadaama Puntland ay horay xiriirka ugu jartay Villa Somalia.

Xog ay heshay Calanka Media ayaa sheegaysa in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay qorsheynayaan inay ka hor-yimaadaan isku dayga Villa Somalia ay ku dooneyso inay muddo kororsi hor leh ugu sameyso.

Shirkaan waxaa horay u iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna qorshuhu ahaa in maanta oo Sabti ah 20-ka Abriil uu Muqdisho ka furmo, balse taasi ma dhicin, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee shirka loo baajiyey.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faahfaahin kale lagama bixin arrimahaas.

“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Previous articleDowlada Soomaaliya oo Diiday Dalab uga Yimid dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here