Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Guri uu shir uga socday saraakiil Al-Shabaab ah oo...

Wararkii Ugu Danbeeyey Guri uu shir uga socday saraakiil Al-Shabaab ah oo la duqeeyay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa ka dhacday aagga degmada Ruun-nirgood, halkaas ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday guri ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse ma shaacin khasaaraha gaaray.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dhulka lala simay guriga la beegsaday ee ay ku sugnaayeen xubnaha sar sare ee Al-Shabaab.

“Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana dhulka lalasimay guri ay ku shirayeen xubna sare sare oo ka tirsan AS,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale inta uu socday weerarkan diyaaradaha ayaa duqeeyay dhulka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-Shabaab.

“Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay dhulka howdka ah ee ku yaalla xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Ruun-nirgood oo ah halka ay duqeyntu ka dhacday.

Shabeelaha Dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo culus ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, maadaama wajigii koowaad ee dagaalka looga xorreeyay dhul aad u ballaaran oo ku yaalla HirShabelle.

Previous articleSomaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here