Home Wararka Maanta Alshabaab weerar Qaadi Rabay oo ayagii la Weeraray Hub Badana Laga Furtay

Alshabaab weerar Qaadi Rabay oo ayagii la Weeraray Hub Badana Laga Furtay

0

Ugu yaraan dhawr iyo toban qof ayaa ku dhintay dagaal qaraar oo saaka ku dhexmaray tuulo hoos tagta degmada Bardaale ee Gobolka Bay, dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo miliishiyo qabaa’ilka deegaanka ah. Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii miliishiyo roondo ku jirta ay foodda is dareen kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxana halkaas ka bilowday dagaal muddo socday oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh sida aan ka soo xigatay dad deegaanka ah.

Tuulada uu dagaalku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Taflow, waxayna qiyaastii 30 km Koonfur uga beegan tahay Bardaale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka oo la yiraahdo Maxamed Isaaq Xasan (Carracase) ayaa Warbaahinta u sheegay in iyagoo roondo ku jira ay u galeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, halkaas waxa ka dhacay dagaal qaraar. Sarkaalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 13 dagaalame, dhinacoodana, waxa uu xaqiijiyay in ay ka dhinteen labo nin, mid kalena uu ka dhaawacmay.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa sidoo kale soo bandhigay hub ay sheegeen in ay ka furteen Al-Shabaab

Ciidamo kuwa dawladda ah ayaa la sheegay in ay dagaalka ku gacan siiyeen kuwa deegaanka ee la dagaalamay Al-Shabaab.

In dhawaalaba waxa taagnaa khilaaf u dhaxeeya dadka deegaanka degmada Bardaale iyo Al-Shabaab, kaas oo la xiriirra lacago canshuur ah oo kooxdu doonayso.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxayna ciidankii weerarka qaaday dib ugu laabteen degmada Bardaale.

Illaa hadda Al-Shabaab dhankooda kama hadlin wixii ka dhacay duleedka Bardaale.

Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal culus oo Ka Socda Degmada Qoryooleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here