Home Wararka Maanta Lix Qof oo kenyan ah oo lagu Laayay Gudaha Kenya

Lix Qof oo kenyan ah oo lagu Laayay Gudaha Kenya

0

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in lix qof oo Kenyan ah halkaas lagu dilay Jimcihii maanta.

Dadkan la dilay ayaa ahaa ganacsato u tallaabay dhinaca Soomaaliya, si ay dukaamo uga furtaan, waxayna halkaas u joogeen ganacsi.

Koox afka soo duubatay ayaa rasaas ku furay 6-da qof ee Kenyaanka ahaa, kwaas oo dhamaantood rag ah, waxayna ku baxsadeen gaari.

Kooxda Al-Shabab ayaa lagu tuhunsan yahay inay dilkaas gaysteen, maadaama ay aad u beegsadaan dadka Kenyaanka ah ee isaga gudba xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku ayaa sheegay in 6-da qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee dalka Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.

“Meydkooda ayaa la keenayaa Libooye, si loo aqoonsado ragga la dilay, kadibna loo aaso, ragaas muddo ayey ku ganacsanayeen Libooye,” ayuu yiri guddoomiye Cali Manduku oo warbaahinta la hadlay.

Lama oga sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan sharixi karin sida lixda qof ay ku tageen Dhoobley, iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.

Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii, balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan, waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi oo shacabku isla fahansan yahay.

Previous articleBaarkamaanka Soomaaliya oo Beri Qaadi Doona Talaabo Wayn iyo Shiikh Shariif iyo Farmaajo oo War kasoo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here