Home Wararka Maanta Taliyihii Ugu Sareeyey Ciidamada Kenya oo u geeriyooday Si Naxdin Leh

Taliyihii Ugu Sareeyey Ciidamada Kenya oo u geeriyooday Si Naxdin Leh

0

War soo baxay goordhoweyd ayaa sheegaya in diyaarad milateri oo nooca qumaatiga u kaca ah ay ku bur-burtay dalka Kenya wax yar uun kaddib markii ay kacday.

Telefishanka Citizen ayaa soo weriyay in Taliyaha Milateriga Kenya Janaraal Francis Ogolla uu saarnaa diyaaradda dhacday.

Sidoo kale warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in ay saarnayeen diyaaradda illaa siddeed ruux oo kale, taasi oo ku bur-burtay galbeedka waddankaasi.

Warar is-khilaafsan ayaa illaa hadda kasoo baxaya xaaladda Madaxa Milateriga, waxaana qaarkood ay tibaaxayaan inuu si xun u dhaawacmay loona qaadey Nairobi, halka qaar kalena ay soo warinayaan in uu geeriyooday.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in war rasmi ah ay dowladda ka soo saari doonto shilka diyaaraddeed.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xiisadii Iiraan iyo Israil oo Gaartay Meel Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here