Home Wararka Maanta Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee...

Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo cadeeyey in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka ayaa u waramay Idaacadda VOA, wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale Wasiir Keyd ayaa sheegay in Jabuuti aysan u geysan wax dhibaato ah, balse ay ka shaqeynayeen aayaha umadda reer Somaliland, markii ay gelayeen heshiiska Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa la weydiiyey sababta ay uga baxeen heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la galeen, wuxuuna ku dooday in halkaas wax heshiis ah aan lagu gaarin, taasina ay sababtay in Somaliland ay iska daneysato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uusan dhabarjebin ku aheyn Jabuuti iyo arrimihii ay waday ee dhexdhexaadinta, balse uu ahaa mid ay muddo kasoo wada shaqeynayeen Somaliland iyo Itoobiya.

“Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in heshiiskaas uu ahaa falcelin ku saabsan heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah ka shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo isagu uu hoggaamiyo.

Ugu dambeyntii wasiir Ciise Keyd ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin walaalo, isla markaana uu ka dhaxeeyo heshiis iyo walaalnimo soo jireen ah.

“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud.

Previous articleAlshabaab oo Weerar Ku Qaaday Xawaadleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here