Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Jawaab Adag ka Bixisay Fatwadii Shiikh Cali Wajiis

Puntland oo Jawaab Adag ka Bixisay Fatwadii Shiikh Cali Wajiis

0

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda federaalka ay wax uga bedeleyso dastuurka dalka iyo hadalkii Sheekh Cali Wajiis ee ahaa in dowladda federaalka ay weerari karto maamul goboleedkii amaradeeda diida.

Wasiirka ayaa su’aal geliyey wax la isku weerarayo hadiiba la bedelay dastuurkii heshiiska lahu ahaa, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu gaaray go’aan isaga u gaar ah oo danta umadda Soomaaliyeed aysan ku jirin.

Sidoo kale, wasiir Maxamuud ayaa sheegay in culimada Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ay ka jawaabeen hadalkii Sheekh Cali Wajiis, isla markaana ay Puntland cadeyneyso in fadwada Shiiqaas ay ka digeyso, dagaal ay la gasho dowladda federaalkana aysan diyaar u aheyn Puntland.

“Xarigii dadkaan Soomaaliyeed isku hayey wuxuu ahaa dastuurka, hadii isagii la jebiyey dowladnimo ma jirto, wax dambena lama qeybsan karo, hadii xukun la adeecayo Sheekh Cali Wajiis wuxuu adeeci lahaa kii Maxamed Siyaad Barre oo adeegyada bulshada oo dhan ay dowladu bixin jirtay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa culimada uga digay inay dadka iyo dowladda fidno iyo dagaal sokeeye ku hagaan, “Qolo gaar ah halagu duulo waa fidno aan ka digeyno,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yiri doorashaan qabanayaa, doorashada yaa loo qabanayaa? Ma dadka Muqdisho jooga ee guryaha ay dhaceen ku nool ayaa doorasho loo qabanayaa?” Ayuu yiri.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku taliyey in horta maqaamka Muqdisho laga wadahadlo inta aan laga tashan nooca doorashada la qabanayo, “Muqdisho maxay noqoneysaa ma caasimad dowlad goboleed, mise caasiamdda umadda Soomaaliyeed, taas ayaa u baahan in la qeexo,” ayuu yiri.

Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Booqday Sadex Saldhig oo lagu Doyaariyay Ciidamadii Xorayn lahaaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here