Home Wararka Somaliya Somaliland Maxay ahayd Haweeneyda Taageertay Soomaaliland oo Khaatuma Lagu Xiray?

Maxay ahayd Haweeneyda Taageertay Soomaaliland oo Khaatuma Lagu Xiray?

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Sool ee maamulka Khaatumo State ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay baraha bulshada taageero weyn ugu muujisay maamulka Somaliland.

Booliiska Khaatumo ayaana xiray Yaasmiin Maxamed Diiriye oo ay ku eedeeyeen in ay taageertay maamulka Somaliland iyada oo joogta deegaannada Khaatumo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in calanka maamulkaasi baraha bulshada kusoo bandhigtay.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Sool ayaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan dad kale ay ku eedeeyeen in ay caadeesteen in ay baraha bulshada ka taageeraan maamulka Somaliland ay dagaalka kula jiraan.

Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada kunool deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo in ay ku kacaan falal lagu taageerayo Somaliland, waxa ayna ugu goodiyeen ciddii lagu qabto in la xirayo lana horgeyn doono maxkamad.

Previous articleShirkii Madasha Wadatashi Qaran oo Xog Cusub kasoo Korartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here