Home Wararka Maanta Turkiga Oo Soo Diray Markabkii Ugu horeeyey ee Dagaal oo Sugaaaya amaanka...

Turkiga Oo Soo Diray Markabkii Ugu horeeyey ee Dagaal oo Sugaaaya amaanka Xeebaha Soomaaliya

0

Dekedda Muqdisho waxaa lagu wadaa in maanta uu ku soo xirto Markab dagaal oo dowladda Turkiga ay leedahay, kaas oo ah Markabkii ugu horeeyey ee howlgalka Turkiga oo loo saxiixay in 10 sano uu sugo amniga iyo xasiloonida badda Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu wadaa inay tagaan dekedda Muqdisho, si Markabka Turkiga iyo saraakiisha la socota ay ugu soo dhaweeyaan Muqdisho, waxaana toos u bilaabanaya howlgalka Turkiga oo soo degaya xeebaha Soomaaliya.

Markabkaan ayaa la sheegay inuu sido qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa suurtagal ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta dekedda tago, sidoo kale waxaa la kahiyey shaqadii dekedda, iyadoo ganacsatada lagu wargeliyey inay sugaan oo shaqada joojiyaan maalmaha ay socoto howshaan.

Wadooyinka ag mara dekedda Muqdisho ayaa saakay lagu waa bareystay iyagoo xiran, mar hore ayaana la qorsheeyey arrintaan, maadaama markabkaan oo sida xamuul iyo saanad culus uu maalmo u soo socday Muqdisho.

Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Turkiga, kaas oo lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, sidoo kale shidaal looga qodayo dalka.

Sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabeysa qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.

Previous articleMa Dhab baa in Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in Dalka Soomaaliya laga Cayriyay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here