Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo Soo saaray Go,aan Culus oo Dadka soomaaliyeed ku farxeen

Golaha Wasiirada oo Soo saaray Go,aan Culus oo Dadka soomaaliyeed ku farxeen

0

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre kaas oo looga hadlay arrimo dhowr au.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa laga soo saaray go’aan culus oo hay’adaha dowladda looga mamnuucay inay shirar ku qabtaan dalka dibaddiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa faray Hey’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Intaas kadib golaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, waxa ay dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta, waxana ay tilmaamtay in dalka ay ka di’i karaan roobab daad iyo fatahaado wata, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunyada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan jiinka Wabiyada, meelaha godan, dooxooyinka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Ugu dambeyn Shirka Golaha ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyey iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Inta badab shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu qabtaa dalka dibaddiisa, waxaana ku baxa qarashaad fara badan oo ay ka faa’idayaal dalalka lagu qabanayo.

Si kastaba, lama oga sidan uu ku dhaqangeli karo go’aankan, maadaama ay horay dowladdu usoo saartay go’aanno lagu joojinayo shirarka loo aado dibadda, haddana laguma guuleysan.

Previous articleSanbaloolshe oo Safarkiisii Ugu Horeeyey Ku tagay Maantay Degma Dhawaan Alshabaab laga Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here