Booliska gobolka Colorado ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo magaca nin asal ahaan carab ah kaas oo lagu eedeynayo in uu ka dambeeyo weerarkii habeen hore lagu qaaday suuq ama dukaan lagu magacaabo King Soopers oo magaalada Boulder ku yaal.

Ninkan oo ay boolisku ku dhaaweceen howlgalkii lagu soo qabanayay ayay magaciisa ku sheegeen Ahmad Al Aliwi Alissa, waana 21 jir.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu qoriga uu falka weerarka ah ku geystay iyo rasaastiisa uu iibsaday lix beri ka hor weerarka, waxaana sidoo kale hub kale ay booliska ka heleen gurigiisa oo baaris lagu sameeyay.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay nin boolis ah oo kusoo baxay weerarka kaas oo lagu magacaabay lagu magacaabay Eric Talley.

Qof ka bad-baaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkayay nin hubeysan oo dukaanka bannaankiisa rasaas kasoo bilaabay, islamarkaana lasoo galay gudaha dukaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*