Burcad hubeysan ayaa waxaa ay isku dayeen in ay afduubtaab bas ay saarnaayeen kooxda kubadeed kuwaas oo ciyaar is-reeb-reeb u tagay dalkaasi Haiti ee koonfurta qaaradda Ameerika.

Kooxda oo lagu magacaabay Belize ayaa waxaa waxaa wadada u galay xille laga soo qaaday garoonka burcad hubeysan oo mootooyin wata kuwaas oo markii dambe laga “maslaxay”.

Wali ma cadda ujeedka afduubka, balse dhacdadan ayaa waxaa ay ku noqotay ciyaartoyda mid cabsi gelisay oo halkii ay soo-dhaweyn diirran ay ka sugayeen naftoodiiba halis gashay.

Ciyaartoyda ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay iminka si nabad ah ku gaareen hoteelkii loo cayimay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*