Home Wararka Maanta Maamulka degmada Dangoroyo oo ka hadlay sababaha keenay dab halkaas ka kacay

Maamulka degmada Dangoroyo oo ka hadlay sababaha keenay dab halkaas ka kacay

0

Maamulka degmada Dangoroyo ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka hadlay sababta dhalisay dab dhawaan ka kacay tuulada Dalsan ee degmadaas hoos timaadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dangoroyo, Cabdinur Axmed Maxamed oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in baaritaan hor dhac ah oo maamulku sameeyey lagu ogaadey in dabku ka dhashay sigaar isagoo shidan lagu tuuray jidka hareertiisa, sidaasna uu ku qabsaday caws qallalan ama xash durba hulaaqay.

Cabdinur Axmed Maxamed ayaa mar wax laga weydiiyey ciida ay ku tuhmayaan in ay falkaas ka dambeysey wuxuu farta ku godey gaadiidleyda waddada mara oo uu ku eedeeyey in aysan ka taxadarin meesha ay sigaarka shidan ku tuurayaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka oo ka hadlayey khasaarah ka dhashay dabkii ka kacay tuulada Dalsan, ayaa sheegay in khasaaraha ugu weyn ee dabkaas ka dhashay uu yahay in ay halkaas ku basbeeleen dhir badan deegaanka ahmiyad weyn u lahayd.

“Dabku wuxuu markii hore ka billowday meel biyo qabatin leh oo uu ka baxay caws badan oo qallalay, ka dibna wuxuu si dhakhso leh ugu fiday dhul ballaaran oo halkaas ku gubtey”, ayuu yiri Cabdinur Axmed Maxamed oo bulshada ugu baaqay in bedqabka deegaanka xil gooni ah iska saaraan.

Ugu dambeyntii maamulka degmada Dangoroyo ayaa dadweynaha iyo gaadiidleyda ugu digey wax kasta oo halis gelin kara bedqabka deegaanka, gaar ahaan sigaar oo haddii lagu tuuro meelaha ay ku yaallaan dhirta nugul, sababi kara khasaare soo gaara deegaanka.

Previous articleMaxay tahay sababta Mareykanku u diiday in uu Israa’iil ku garabsiiyo aargoosi ka dhan ah Iran?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here