Amiirka kasoo jeeda reer boqorka Ingriiska Harry iyo marwadiisa Meghan ayaa lasoo warinayaa in gabar yar ay kusoo biirtay qoyskooda, iyagoo lammaanahani ay horay u haysteen wiil.

Gabadhan ayaa ayaa loo bixiyay magaca Lilibet “Lili” Diana Mountbatten-Windsor, waxaana sida ka muuqata magaca loo dhexgaliyay kii ayeydeed Diana (Amiir Harry hooyadii).

Gabadhan ee reerka kusoo biirtay ayaa waxaa ka horreeyay wiil lagu magacaabo Archie, kaas oo dhashay 6. may 2019.

Wararku waxa ay sheegayaan in gabadha iyo hooyadeedba ay caafimaad qabaan islamarkaana ilaahay kala keenay.