Home Wararka Maanta Hay’adda SODMA Oo Ka Digtey Roob Daadad Wata Iyo Fatahaado

Hay’adda SODMA Oo Ka Digtey Roob Daadad Wata Iyo Fatahaado

0

Hay’adda Maareynta  Masiibooyinka Qaranks Soomaaliyeed ayaa ka digtey roobab xoog leh inay toddobaadka soo socda ka da’aan gobolada dalka Soomaaliya ayna dhalin karaan fatahaado iyo daadad.

Hay’adda ayaa si gaar ah waxa ay u sheegtay in laga yaabo wabiyada dalka ay ku fatahaan magaalooyin ay ka mid yihiin Jowhar, Beledweyne, Buuluburte,Luuq,Doolow iyo qaar kale oo ku yaal hareeraha wabiyada Jubba iyo Shabelle.

Sidoo kale hay’ada SODMA ayaa ka digtey in daadad ka dhasha roobabka inay saameyn doonaan deegaano kamid ah gobolada Bay,Bakool,Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.”ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’ada SODMA.

Hay’adda SODMA ayaa sanadkii hore 2023, soo saartay saadaasha roobabka iyo digniino roobabkii ma hiigaanka ahaa oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaada 𝗘𝗹𝗡𝗶ñ𝗼 ,

Sidoo kale Hay’addan ayaa ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysa digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta roobka Guga ku yeelan karo nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Previous articleMareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxayo Niger

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here