Booliska dalkaasi Griigga ayaa qabtay oo xabsiga u taxaabay nin lagu magacaabo Babis Anagnostopoulos  kaas oo u dhashay isla dalkaasi islamarkaana dilay xaaskiisa oo british aheyd, waxaana lagu eedeeyay oo uu qirtay dilka xaaskiisa Caroline Crouch oo hal cunug u haysay.

Dhacdadan dilka ah oo aad u qabsatay hadalhaynteeda dalkaasi ayaa waxaa kasii darneyd sida uu u jilay Babis Anagnostopoulos in xaaskiisu dileen burcad guriga ugu soo dhacday.

Caroline ayaa sida ay baarayaashu sheegeen waxaa lagu dilay ceeji, waxaana sidoo kale la dilay eygii gurigooda u joogay, iyadoona dabadeed uu ninka iska dhigay nin dulman oo xaaskiisa iyo eygoodiba ay tuugo ka dishay mar uu taleefanka booliska kula xiriiray.

Babis oo muddo isbuucyo ah loo tacsiyadeynayay, dad badana ka qeyb-qaateen duugta xaaskiisa ayaa waxaa uu dhowr jeer idaacadaha u sheegay in arrintan oo kale eysan marnaba dalka kusoo noqon oo la doonayo in “tuugada” dadka la qabto. Waxa uu booliska u sheegay in hadafka tuugada xaaskiisa dilay ahaa hanti guriga u taalay oo ay doonayeen in ay dhacaa.

Bisuucyo baaris boolis kadib waxaa mar qura warbaahinta loo soo bandhigay Babis Anagnostopoulos  oo ay booliska xabsiga u taxaabayaan islamarkaana lagu eedeynayo dilka xaaskiisa.

Wareysi lala yeeshay kadib qabashadiisa ayaa waxaa ay boolisku sheegeen in uu qirtay dilka xaaskiisa, isagoona sidoo kale qirtay in uu isaga dilay eeyga si loogu maleeyo in tuugadu ay kow ka bilaabeen eeyga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka uu ka dambeeyay kadib markii xaaska Caroline oo 20 jir aheyd ay qorsheyneysay in ay iska furto ninka islamarkaana ay ka tagto.

Babis oo 33-jir ah ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana lagu eedeeyay kiisas dhowr nooc ah kuwaas oo isugu jira dilka xaaskiisa, marin-habaabinya booliska iyo sharciga .

Waxaa loo badinayaa in lagu xukumo xabsi daa`id, walow uusan wali dhicin xukunka kama dambeysta ah.