Home Wararka Maanta Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku dhawaaqay Talaabo Culus oo Ka Dhan ah...

Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku dhawaaqay Talaabo Culus oo Ka Dhan ah Iiraan

0

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay cuna-qabatayno cusub ku soo rogayaan Iran, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda kala dhaxeysa Israel.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cuna-qabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawl-galaan ururada gacan-saarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cuna-qabataynta Mareykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

Xiisadda Israel iyo Iran ayaa mareysa meel xasaasi ah, ayada oo Israel ay weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran.

Israel ayaa horey uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan horay loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab deg-deg ah oo adag.

Inkasta oo dhinacyada loogu baaqay inay is-xakameeyan, islamarkaana aysan uga sii darin colaadda ka taagan bariga dhexe, waxaana hadda isa soo taraya walaac xooggan oo laga qabo xiisaddan ka dhex aloosan Israel iyo Iran.

Previous articleFaahfaahin Saciid Deni oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here