Akhriste, sideed u aragtaa naqshadda cusub ee Calanka? – Dhiibo fikirkaaga!

Shabakadda warbaahinta Calanka ayaa waxaa lagu sameeyay isbeddal buuxa oo dhanka maqshadda ah, iyadoona naqshaddan cusub ay tahay tii ay horay noogu barteen akhristayaasheena sharafta leh, balse iminka ka casrisan sidii hore.

Naqshaddan cusub ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijyo la jaanqaadi kara aaladaha cusub sida ka daalacashada mobile oo si wanaagsan oo fudud aad uga bogan karto adiga oo ku wareerin.

Si kastaba, waxaan dooneynaa in aan dhageysano fikirkaaga ku aadan naqshaddan cusub, haddii aad tahay akhriste hore ama mid gadaal noogu soo biiray.

Laga bilaabo maanta waxaan akhristayaasha u ballan-qaadeynaa warar suga oo maqal iyo muuqaalba leh, sidii aad horay inooga barateenba.

Ku dhiibo fikirkaaga komentiga hoose!

Mahadsanidiin

16 Responses

  1. Baanaa says:

    Waa nakhshad heer saree oo waadix ah. Aan idinka helno wixii aan idinku baranay.

  2. Abuukar says:

    Waa qurxan tahay naqshadaan.
    waana calankii aan naqaana ee linksyada soomaalida lahaa.

  3. Fartuun says:

    Good lookin design.

  4. Badar Cali says:

    Well done, Calanka . Keep going

  5. Bashka, Garoowe says:

    Sc. Hadaan haynaa calankaan naqaanay ee aan ka daalacan jirnay wararka dagdaga ah, layaabka, wararka xiisaha leh ee aduunka iyo sheekooyinka. Fadlan noo soo celiya sheekooyinkaan idinku baranay bilaawgoo 10 years ago 2007 meelahaas ee kaalmooy qori jiray.

  6. Booreyste says:

    Bullshit waaye

  7. Ayaan Cismaan says:

    Sanooyinkii u dambeeyay waan ku wareeray calanka. hadba naqshadaa saarneyd hadase waxaa noogu soo celiseen sidii hore ee aan ku naqaanay. fadlan hanaga badalina.

  8. Bagadi from USA says:

    Calanka.com, u adeegaha shacabka ayaan ku naqaan naqshadana waa heer sare. guuleysta

  9. Mooriyaanka Oslo says:

    Aniga waxaan calanka ku tabaa gabdhihii qurxanaa ee Norway joogay ee 1 luulyo naloo soo galin jiray. aawaye hada, barina waa 1 luulyee. masoo wadiin

  10. Nimco Cumar says:

    Mooryaanka looooool. Gabdhahaas aniga ayaa ka mid ahaa waana guursaday mar hore caruur anaana haystaa maashalaah

  11. SUGAAL CIISE says:

    HAMBALYO HAMBALYO. WAA NQSHAD QURXAN OO KA FIICAN TII HORE. WAXAA KA MUUQATA IN AY HELEEN DAD KU TAQASUUSAY SAMEYNTA WEBSITEYADA AMA WEBDISIGNERS.
    MAR KALE HALBAYO HOWSHANA HALKAAS HA LAGA WADO.

  12. BARNI says:

    maanshaalaah waaye, calanka

  13. Yoonis yare says:

    maqshadaan mobiilka way kusoo baxeysaa hadaan kaga jiraa

  14. Yoonis yare says:

    waa qurxantahay, excellent weeyaan

  15. fAARAX\ says:

    KALARKA BULUUGA KA BADALA

  16. CUMAR CISMAA DHAQANE, HELSINKI FINLAND says:

    SALAAMU CALEYKUM MARKA HORE CALANKA SALAAN KADIB NAQSHADA MA XUMA WAANA TII AAN IDINKU NAQAANAY OO LA YARA CASRIYEEYAY WAANA OK. WAXAAN ANIGA FIKRAD AHAAN IDIN DHIHI LAHAA WARARKA JOOGTEEYA IYO WARBIXINADA KALE OO MAALINA BADAR LA AAH HANA DHIGINA.

    WABILAAHI TOWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *