Dowladda Imaaraadka oo agab caafimaad gaarsiisay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe

Diyaarad sida gargaar caafimaad ayaa maanta ka degtay garoomada diyaaradaha magaalada Boosaaso iyo Hargeysa ee maamullada Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gargaarkan caafimaad ugu deeqday maamulladaasi, waxaana gargaarka ku jira qalab caafimaad oo uu kamid yahay sheybaarka lagu baaro cudurka halis ah ee Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaaraadka ay Puntland ugu deeqday sheybaarka lagu baaro dadka looga shakiyo astaamaha cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan ayaa Imaaaraadka kala wareegay qalabkaas muhiimka ee loogu deeqady, isagoo ugu mahadceliyay dowladaas.

Dhanka kale Somaliland ayaa iyana Imaaraadka uga mahadcelisay deeqdan, waxaana ay sheegeen in ay ka heleen xilli loo baahnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *