Home Wararka Caalamka Gobalka Washington ee Mareykanka Kumanaan qof oo loo sheegay inay qaxaan, kadib...

Gobalka Washington ee Mareykanka Kumanaan qof oo loo sheegay inay qaxaan, kadib daadad ka dhacay

0

Tobanaan kun oo qof oo ku nool gobolka Washington ee Mareykanka ayaa lagu amray inay ka baxaan guryahooda Khamiistii shalay, iyadoo ay jiraan daadad xooggan oo ku dhuftay dhul beereedka.

Ugu yaraan 78-kun qof oo ku nool gobolka ayaa loo sheegay inay ka cararaan dhul-daaqsimeedka, maalin kadib markii gobolku ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

In ka badan 12-kun oo guri ayaa koronto la’aan ahaa habeenkii Khamiista, sida laga soo xigtay PowerOutage.us.

Waqooyi-galbeed ee Mareykanka ayaa waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah maalmihii la soo dhaafay.