Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Hamza Abdi Barre oo la kulmay Dhaxal Sugaha Dalka Kuwait

Raisal Wasaare Hamza Abdi Barre oo la kulmay Dhaxal Sugaha Dalka Kuwait

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  iyo Amiirka Kuwait ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait,

Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in dowladiisa taageeri doonto Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa New Yourk  kulan kula yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield,  waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here