Home Wararka Caalamka Australia: Ku Dhawaad 16 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay...

Australia: Ku Dhawaad 16 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Sydney oo lagu qaaday xaflada Yuhuuda

0

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday xeebta Bondi Beach ee magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo booliis ah, sida ay sheegeen booliisku.

Nin la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa dadkii toogashada geystay ayaa sidoo kale la dilay, halka qofkii labaad ee la sheegay inuu toogashada geystay uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Mas’uuliyiintu waxay toogashada ku tilmaameen dhacdo “argagixiso”, iyagoo sheegay in “loogu talagalay in lagu bartilmaameedsado bulshada Yuhuudda ee Sydney maalinta ugu horreysa ee xuska Yahuuda ee Hanukkah”.

Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa cambaareeyay weerarka.

Weerarada noocaan ah ayaa dhif ah inay ka dhacaan dalka Australia, taasoo leh sharciyo adag oo lagu xakameynayo hubka.