Home Wararka Maanta Bishaar Al Asad oo Jawaab uu ka Naxay ka Helay Trump Xili...

Bishaar Al Asad oo Jawaab uu ka Naxay ka Helay Trump Xili Dimiship laga Saari Rabo

0

Shabakadda Bloomberg, ayaa soo bandhigtay iskudayga u dambeeyay ee uu sameeyay Bashaar Al-assad si uu u helo awood ka hortagi karta mucaaradka , wuxuu Imaaraadka Carabta ka codsaday inay dhisaan xiriir uu la yeelanayo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump , wuxuuna u gudbiyay farriin uu kaga codsanayo in laga caawiyo joojinta mucaaradka ka hor inta aysan gelin Dimishiq — beddelkeeda wuxuu Assad ballanqaaday inuu jarayo dhammaan xiriirka Iran iyo ururka Xisbullah, isagoo iskaashi la yeelanaya reer galbeedka.

Intaa kuma joogsan, wuxuu Assad u diray dalka Hungary wadaad masiixi ah si uu uga dhaadhiciyo Ra’iisul wasaaraha Hungray, Viktor Orbán oo ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Trump inuu la hadlo Trump oo uu u sheego haddii mucaaradku qabsado Suuriya in nolosha Masiixiyiinta laga tirada badan yahay ay khatar geli doonto…!

Laakin maxay noqotay jawaabta Trump ?

Trump wuxuu maanta baahiyay qoraalkii u horreyay ee arrinta Suuriya uga hadlay , wuxuu ammaanay howlgalka mucaaradka oo uu sheegay inuu yahay mid cajiib ah oo si wanaagsan loo agaasimay, wuxuu ku maadeystay Ruushka oo uu ku tilmaamay mid aan awood u lahayn inuu celiyo mucaaradka, wuxuuna qoraalka ku soo gabagabeeya ; “ Assad saaxibkeen ma aha , dagaalkunna ma aha dagaalkeenna.”