Home Wararka Caalamka Caalamka:- Khilaaf ku aadan Joojinta Dagaalka Qaza oo ka Dhex taagan Trump...

Caalamka:- Khilaaf ku aadan Joojinta Dagaalka Qaza oo ka Dhex taagan Trump iyo Netanyahu

0

Sida ay warisay wakaalada wararka Reuters Khilaaf xoogan ayaa ka dhaxeeya Trump iyo Netanyahu kaasoo ku saabsan arinta Qaza iyo Bariga Dhexe.

Wareegii koobaan ee kulanka oo socday saacad iyo bar waalagu kala kacay , Trump wuxuu cadaadis saaraya Netanyahu si loo joojiyo dagaalka. Wareeg labaad ayaa dhici doona kaasoo isha lagu hayo inay natiijo kasoo bixi doonto.

Dhanka kale Wadahadalada ka socda Qatar waxay diirada saarayaan xabad joojin 2 bilood ah, sii deynta maxaabiis iyo damaanad in dagaalka aan la cusboonaysiin inta la wadahadlayo, inkastoo aysan Xamaas hoosta ka xariiqin hadana waa doonista Mareykanka & Israa’iil.

War qoraal ah oo ka soo baxay ururka iska caabinta islaamiga ah Xamaas ayaa lagu sheegay in Israa’iil si xun ugu guuldarreysatay jabinta iska caabinta Falastiin iyo shacabka Gaza kaddib 640 maalmood oo dagaal ah.

Waxay tilmaantay in himiladii Israa’iil ee ahayd soo furashada maxaabiista iyo burburinta ururka ay noqdeen riyo aan rumoobin.

Dhanka kale taliyaha ciidamada Yuhuudda ayaa horey u qiray inaan dagaal lagu furan karin maxaabiista, isla markaana aysan suuragal ahayn in la jebiyo iska caabinta reer Qaza.