Home Wararka Maanta Caalamka oo si Layaab leh uga Falceliyay Jabka Gaaray Bishaar Al Asad

Caalamka oo si Layaab leh uga Falceliyay Jabka Gaaray Bishaar Al Asad

0

Dhowr waddan ayaa dano gaar ah ka leh mustaqbalka Suuriya, oo ay ku jiraan xulafada madaxweynihii la riday ee Assad, waxayna sheegeen inay aad u jecel yihiin inay door ka ciyaaraan taageerada dowlad cusub.

Ruushka oo la sheegay inuu Asad iyo qoyskiisa magangelyo ka siiyey magaalada Moscow, ayaa sheegay in saldhigyada millatari ee dalkaas ay ku jiraan “feejignaan sare” balse ilo ka tirsan Kremlin-ka oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Ruushka u sheegay in ammaankooda ay dammaanad qaadeen fallaagada. Moscow ayaa ku baaqaysa shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga tashado xaalka Suurita.

Iran, oo sidoo kale taageeraysay nidaamka Assad, ayaa sheegtay inay rajaynayso in xiriirka “saaxiibtinimo” ee Suuriya uu sii socdo. Bayaan ay soo saartay, wasaaradeeda arrimaha dibadda waxay ku baaqeysaa “bilaabidda wadahadal qaran oo ay ku lug yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo matalaya dhammaan dadka Suuriya”.

Turkiga, oo taageera qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah, ayaa sheegay inay “xoojin doonaan” dadaallada lagu caawinayo sugidda nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka Suuriya maalmaha soo socda.Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa sheegay in tani ay ka mid tahay in la raadiyo qaab dib loogu soo celin karo malaayiin Suuriyaan ah oo ka qaxay dagaalladii sokeeye – kuwaas oo intooda badan ku sugan Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa dhanka kale sheegay in Suuriya ay wajaheyso “fursad taariikhi ah” balse Mareykanku waxa uu sidoo kale ka walaacsan yahay awood la’aanta, waxaana uu durbadiiba duqeeyay waxa uu ku sheegay meelo ka mid ah bariga Suuriya halkaas oo ay ku suganyihiin kooxda Daacish.