Home Wararka Maanta Labo Wiil oo Walaalo ah oo Aano Qabiil loogu dilay Deegaanada Galmudug

Labo Wiil oo Walaalo ah oo Aano Qabiil loogu dilay Deegaanada Galmudug

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay deegaan dhaca gobolkaasi uu ka dhacay fal dil argagax leh, kaddib markii hal goob lagu dilay labo wiil oo walaalo ahaa sidoo kale dhaawac loo geestay hooyadood.

Kooxo maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in xalay weerar ku qaadeen guri kuyaalla deegaanka  Oodan ee bariga gobolka Galgaduud, waxa ayna raggan hubeysan aano ahaan halkaasi ugu dileen labo wiil oo wada dhashay oo gurigaasi ku sugnaa.

Dableyda ayaa goobtaasi ku toogtay labada wiil ee walaalaha oo lagu kala magacaabayay Cabdikariin Axmed Carab iyo Cabdinaasir Axmed Carab, waxa ay sidoo kale wiilashadan dhaawac gaarsiiyeen hooyada dhashay mid kamid ah wiilashada la dilay.

Raggan aannada qabiil loo dilay ayaa la sheegay in a kasoo jeedaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana dilka wiilashan loo geestay lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad kasoo jeeda dhinaca Xiindheere.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ay isku geestaan dadka halkaasi wada degan, waxa ayna aanooyinkan noloshooda galaafteen dad badan oon wax dambi ah cidan ka gelin balse loo dilay heybta ay kasoo jeedaan darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here