Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Saacada Badan kadib Dib U qabsaday Degaano iyo Degmo...

Ciidamada Dowlada oo Saacada Badan kadib Dib U qabsaday Degaano iyo Degmo Shalay laga Saaray

0

Dowlada Soomaaliya ayaa Maantay Qaaday Dagaal rogaal celis ah oo ay dib ugu qabsatay Degmo iyo Degaano Shalay Dagaal culus looga Saraay.

Degaanka Daarunimca oo Dagaal kooban ka Dhacay iyo Miirtaqwo oo Dagaal la aan ku qabsatay Dowlada ayaana Magalooyinkaan Ka weeraray Dhowr jiho.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya Ayaa Dib U qabsatay Degmada Ceelbaraf oo Shalay Alshabaab Dagaal la,aan Qabsadeen Degmada Ceelbaraf wax Dagaal ah kama Dhicin Maantana.

Alshabaab ayaa Iskood uga Baxay kadib Markii Xalay in kabadan 40 Tikniko ah oo ay Wateen Beesha agoonyar Xalay Ka baxeen Magaalada Muqdisho kuwaas oo Duhurnimadii Maantay Gaaray.

Alshabaab ayaana inta aysan Ka Bixin Degmada Ceelbaraf burburiyay Taalada Ceelbaraf oo Calanka Soomaaliya iyo kan Hirshabeele lagu Xardhay.

Degaanka Ceel Cali axmed oo uu shalay Ka Dhacay Dagaal Socday 14 Saacadoo Alshabaab waa Usuurta Gali Waysay inay Qabsadaan.

Alshabaab Ayaana Shalay Taatiko layaab leh iyo Ciidamo Farabadan kusoo Dagaal galay lama Oga Khasaaraha Rasmiga ah ee labada Dhinac kala Gaaray Dowlada Soomaaliya ayaana Soo Bandhigtay Hub iyo Maydad Alshabaab Kaaga Carareen Degaanka Ceel Cali Axmed.