Home Wararka Caalamka Dacwad Kufsi oo lagu oogay Wiil ay dhashay Amiirada Dhaxal-sugaha ah ee...

Dacwad Kufsi oo lagu oogay Wiil ay dhashay Amiirada Dhaxal-sugaha ah ee Boqortooyada Norway

0

Wiilka Amiirada dhaxal sugaha Norway ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu kufsaday afar dumar ah, weerar iyo dambiyo kale kadib baaritaan bilayska oo socday muddo sannad ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Marius Borg Hoiby, oo 28 jir ah, ahna wiilka ay dhashay Amiirada Mette-Marit oo ah xaaska Dhaxal sugaha ah Norway Amiir Haakon, ayaa la filayaa in la soo taago maxkamad horaanta sanadka soo socda, waxayna wajihi karaan 10 sano oo xarig ah haddii lagu helo eedeymaha culus, ayuu yiri qareenka gobolka Oslo Sturla Henriksbo Isniintii.

Hoiby ayaa beeniyay eedeymaha ugu cuslaa ee isaga loo soo jeediyay balse waxa uu qorsheynayaa inuu dambiga ka qirto qaar kamid ah eedeymaha marka ay dacwadu bilaabanto, qareenkiisa Petar Sekulic ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

oiby ayaa Isniintii lagu soo oogay 32 fal-dambiyeedyo, oo ay ku jiraan hal kiis oo kufsi ah oo galmo ah iyo saddex kiis oo kufsi ah oo aan galmo lahayn, kuwaas oo qaar kamid ah uu ku duubay taleefankiisa, xeer ilaalinta ayaa sheegtay.

Dhageysiga Maxkamadda ayaa la filayaa inay bilaaban doonto bartamaha Janaayo oo ay qaadan doonto muddo ilaa lix toddobaad.