Home Wararka Caalamka Dad Laga soo Tarxiilay Mareykanka oo Ku Xayirnaa Jabuti oo loo Gudbiyay...

Dad Laga soo Tarxiilay Mareykanka oo Ku Xayirnaa Jabuti oo loo Gudbiyay Dalkooda

0

Maamulka Trump ayaa dalka South Sudan u masaafuriyay siddeed muhaajiriin ah oo ay Maraykanku in ka badan bil ku hayeen saldhig milatari oo ku yaalla dalka Djibouti, sida ay Sabtidii sheegtay Wasaaradda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security), ka dib markii muhaajiriintu ay ku guuldarraysteen isku daygoodii ugu dambeeyay ee ay ku doonayeen inay ku joojiyaan u wareejintooda dalkaas siyaasad ahaan aan degganayn.

Raggan ayaa la masaafuriyay Jimcihii, oo ku beegnayd maalinta fasaxa ee maalinta xorriyadda Maraykanka ee 4-ta Luulyo, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeed kaaliyaha xoghayaha wasaaradda, Tricia McLaughlin.

“Tani waxay guul u ahayd sarreynta sharciga, iyo badqabka iyo amniga shacabka Maraykanka,” ayay tiri McLaughlin.

Diyaarad siday dadka Maraykanku masaafuriyay ayaa Sabtidii ka degtay dalka South Sudan, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee Juba.

Shaqaale ka tirsan garoonka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inuu arkay dokumiinti muujinaya in diyaaraddu “ay timid saaka 6:00 subaxnimo” (0400 GMT). Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ayaa isna sheegay in dadka la masaafuriyay ay dalka soo gaareen balse ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer, isagoo dhammaan su’aalaha u gudbiyay hay’adda sirdoonka ee Amniga Qaranka (National Security Service).

Horey, ilo ka tirsan dawladda South Sudan ayaa sheegay in saraakiil Maraykan ah ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha iyagoo sugayay imaatinka muhaajiriinta.