
Dowladaha Faransiiska, Talyaaniga iyo Giriigga, ayaa oggolaaday si xor ah inay hawadooda u adeegsato diyaaraddii siday Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’il Benajamin Netanyahu oo ku socday Mareykanka, xilli horey waaran soo qabasho ah ugu jartay maxkamadda dambiyadda dagaalka ee ICC.
Dalalkan uu hawadooda u dulmaray Netanyahu ayaa horey u saxiixay heshiiskii Roma ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah (ICC) oo horey usoo saartay go’aan lagu xirayo Netanyahu, balse dalalka Yurub waxay dhinac mareen go’aanka maxkamadda , taa oo la macno ah inay maxkamadan noqotay mid aan waxtar lahayn oo burburtay.
Arrintan waxaa loo arkaa fadeexad culus oo dhaawaceysa sharciyada caalamiga ah. Giriigga iyo Talyaaniga midkoodna kama aysan hadlin, waxayna doorteen aamusnaan. Faransiiska, dhanka kale, waxaa dacwad ka dhan ah dawladda gudbiyay qareenno Faransiis ah, iyaga oo ku eedeeyay in la jebiyay sharciga caalamiga ah.
Ficillada Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu , ayaa dunidda ku celin kara sharciga duurjoogta; wuxuu geystay ninkan xasuuq aan horey loo arag, isagoo carruur ku dilay gaajo , sidoo kalena wuxuu wali ku socda waddada dagaalka!