Home Wararka Caalamka Darawal Taksiile Ah oo Afar Qof Gaari ku Jiirsiiyay Magaalada Malmö

Darawal Taksiile Ah oo Afar Qof Gaari ku Jiirsiiyay Magaalada Malmö

0
MALMÖ, SVERIGE 20250520 Polis och ambulans på plats efter en trafikolycka på Södra Förstadsgatan vid Triangeln i Malmö på tisdagen. Enligt initiala uppgifter har flera personer skadats då en taxi kolliderade med cyklister. Foto: Johan Nilsson / TT / Kod 50090

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay ka dib markii uu taksi ku jiiray bartamaha magaalada Malmö maanta, sida ay booliisku sheegeen.

Shilka ayaa ka dhacay isgoys ay Dadka Ku Lugeeyaan ee u dhow Triangeln. Booliisku ayaana ku tilmaameen Fal khatar ah.

Wargeyska Sydsvenskan ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawaca ah loogu qaaday isbitaalka ambulance, iyadoo dadka intiisa kale aysan weli cadeyn.

Goob-jooge ku sugnaa goobta uu Falka ka dhacay ayaa laga soo xigtay in uu yiri “Goobtu waxa ay ahayd mid Mashquul badan, tiro dad ah oo wadada marayeyna ay isku dayayeen in ay caawiyaan dadka dhaawaca ah”.

Booliska ayaa markii dambe ku shaaciyay website-kooda in saddex qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka. Waxa ay tilmaantay in Taksiilaha uu sidoo kale soo gaaray dhaawac fudud oo aan u baahneyn in loo qaado Isbitaalka.

Somaliska Malmö