Home Wararka Maanta Dibad-baxyo Balaaran oo maanta ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Sawiro

Dibad-baxyo Balaaran oo maanta ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Sawiro

0

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo weerarkii ay al shabaab ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynayay xeebta liido ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacab isaga kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa isugu tegay xeebta Liido oo ah halka uu ka dhacay xasuuqa lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray kooxda Al shabaab oo uu ku eedeeyay inay u soo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta shacabka halkan isugu yimid ee dhalinyarada u badan waxay muujineysaa oo ka tarjumeysaa farriina ay rabaan inay u diraan Khawaarij, farriinta ay u dirayaan waxay tahay inay u sheegaan dalkan iyo dadkan iyagu inay iska leeyihiin” ayuu yiri Yabooh.

Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkiisa intaasi sii raaciya “Kooxa Khawaarijtu uma socon madax iyo ciidan ee waxa ay u bareereen leynta shacabka”.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada guracan ee khawaarijta

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta” ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka qeyb halay dibadbaxa ayaa dhankooda muijiyay darenkooda iyagoo shèega in ay garab taaganyihiin ciidanka Qaranka si Guud ahaan dalka looga xoreeyo Al shabaab.

Al shabaab ayaa Jimcihii beegsatay dhalinyaro ku caweyneyay xeebta liido, halkaasoo ay ku dhinteen in kabadan 40-dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayna ku dhaawacmeen in kabadan 200 kale.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa,oo ka qeyb galay dibadbax ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeyaan ciidamada amniga sii loo soo afjaro Al-shabaab.

Wasiir Xagaa ayaa tilmaamay in gaba-gabo marayaan al shabaab oo ay naf la caariyihin, dhalinyaradan looga baahan yahay in aysan niyad jabin oo ay garab istaagaan geesiyaasha qaranka “Shacabow indhihiina fura aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here