Home Wararka Caalamka Donald Trump oo guul ka gaaray Doorashada Dalka Mareykanka

Donald Trump oo guul ka gaaray Doorashada Dalka Mareykanka

0

Donald Trump ayaa ka adkaaday Kamala Harris si uu u noqdo madaxweynaha 47-aad ee Maraykanka.

Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee laba xilli oo aan isku xigin la doorto kadib Grover Cleveland 1892.

Donalnd Trump ayaa ku guuleysan kara 309 Electoral College, iyada oo looga baahnaa 275 oo keliya, waxaana uu ku guulesyetey gobolada Swing States loo yaqaan sida North Caroline, Georgia, Pennsylvania, wuxuu codad badan ku hoggaaminaayaa Wisconsin, Michigan, Arizona iyo Nevada taas oo ka dhigeysa in Kamala Harris aysan midna ku guuleysan gobolada aadka loogu tartamaayey.

Ilaa bishii Luulyo 2024, Trump waxa uu la tartamayey Biden, kaas oo doonayay in mar labaad loo doorto xilka madaxtinimada.  Kamala Harris oo gadaal tartanka ka soo gashey kadib markii Biden tanaasuley ayaa Dimqoraadiga ku hoggaamisey guuldarro aad u xun oo ka sii xun tii ku dhacdey Hillary Clinton sanadkii 2016. Kamala Harris ayaa sheegtey in aysan caawa la hadli doonin taageerayaasheeda, waxaana xarunta ololaha doorashada ee Kamala Harris loo maleeyaa dad jooga goob qabri ah.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa sidoo kale looga adkaadey aqlabiyadda Aqalka Senete-ka taas oo muhim u ah Madaxweynaha cusub, sidoo kale waxay u badan tahay in mar kale jamhuurigu sii haystaan aqlabiyadda Aqalka Kongreeska, taas oo ka dhigeysa mid awood badan siin doona Donald Trump.

Donald Trump oo khudbad u jeediyey taageerayaashiisa kadib markii uu guuleystey ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka Maraykanka, waxaana uu sheegay in uu ka soo gudbey caqabado waaweyn oo aan marna la fileyn in laga soo gudbi karo. Trump ayaan marna soo hadal qaadin haweeneyda la tartameysey ee Kamala Harris.

Madaxweynaha la doortey ee Donald Trump ayaa markii u horeysey ku guulestey waxa loo yaqaan codka shacabiyadda Popular Vote iyo weliba codka Electoral collage taas oo aan u dhicin sanadkii 2016 markaas oo Hillary ku guuleysatey codadka ugu badan laakiin looga guuleystey electoral Collage-ka.

Doorashada Donald Trump waxaa aad uga naxay in badan oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah Nato iyo Midowga Yurub, waxaa si weyn u soo dhaweyn doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyada oo naxdin ay ku noqon doonto Madaxweynaha Ukraine.

Afartii sano ee hore ee uu xilka hayey Donald Trump laba jeer ayaa la keenay xil ka xayuubin. Trump waxa uu diidey in uu aqoonsado natiijadii 2020 looga adkaadey, taas oo aan horey u dhici jirin, kamana qaybgalin munaasabaddii xil wareejinta, muadadii uu xafiiska ka maqnaa waxa uu ka dhamaan waayey dacwado iyo maxkamado, waxaana lagu helay 34 denbi in uu galay, haddaba iyada oo ay sidaas tahay waxaa mar kale loo doortey xafiiska Madaxweynaha ugu awoda badan, waxaana la is weydiin doonaa siyaasadda uu ku dhaqmi doono sidey noqon doontaa ma aargoosi mise mid nabadoonimo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here